Pages

This is default featured slide 1 title

Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.

This is default featured slide 2 title

Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.

This is default featured slide 3 title

Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.

This is default featured slide 4 title

Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.

This is default featured slide 5 title

Go to Blogger edit html and find these sentences.Now replace these sentences with your own descriptions.

Saturday, July 13, 2013

wax badan akhri please aad ogaatit in badan

Xafladdan oo si weyn loosoo agaasimay ayaa manta ka dhacday xarunta tababarrada iyo xirfadaha SYLII, Waxaa ka soo qeybgalay waalidiin, Ururada bulshada, Jaamacadaha dalka iyo xubno ka socday wasaaradda arimaha bulshada sida agaasimaha guud wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Aweys Sheekh Xaadaad iyo agaasimaha waaxda tababarada shaqaalaha Ismaaciil Macalin Cabdullaahi.

Monday, July 8, 2013

gabar suuriyan ah oo qaday rikorka quruxda ee carabta

gabar suriyan ah oo noqotay gabadha ugu qurux badan calamka hada lajoogo wax badan aayan isku daynay inan ka ogaano lakin hada kama ogaan Xafladdan oo si weyn loosoo agaasimay ayaa manta ka dhacday xarunta tababarrada iyo xirfadaha SYLII, Waxaa ka soo qeybgalay waalidiin, Ururada bulshada, Jaamacadaha dalka iyo xubno ka socday wasaaradda arimaha bulshada sida agaasimaha guud wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Aweys Sheekh Xaadaad iyo agaasimaha waaxda tababarada shaqaalaha Ismaaciil Macalin Cabdullaahi. Ururka dhalinyarada SYL2 oo ah urur ka shaqeeya arimaha horumarinta dhalinyarada ayaa manta usoo xiray tababar xirfadeed oo ay ka qalin jabiyeen ilaa iyo 150 dhalinyaro ah. Dhalinyaradaan ayaa waxaa loo tababaray xirfadaha ay kamid yihiin Auto-mechanics, Tailoring, Auxiliary Nursing, Business Accounting iyo Community Development iyadoo ay xirfadaha u dheereed barashada hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, Wadaniyadda iyo wadan jaceylka, tarbiyada Islaamka iyo taariikhda dalka Soomaaliya si dhalinyarada looga dhiso garaadka laguna abuuro isbedel. Agaasimaha guud ee waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada Aweys Sheekh Xaadaad oo xafladda ka hadlay ayaa uga mahad naqay ururka SYL2 sida hufan ay dhalinyarada in ay jahliga kala diriraan dhexda u xirtay. Agaasimaha ayaa sheegay in SYL2 ay qabatay howl ay qaban lahayd wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha. Wuxuu ugu baaqay dowladda in ay SYL2 ay kala shaqeeyaan horumarinta dhalinyarada waxaana uu aad u guubaabiyay dhalinyarada qalinjabineysay isagoo ku booriyay dhalinyarada qalin jabisay in ay CV ay keensadaan wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha si loogu xiro wixii fursado shaqo aha iyo sidoo kale ururada ahliga ah loo qeybiyo dhalinyaradaan si xirfadihii ay barteen ugu shaqeystaan. Intii ay socotay Xaflada ayaa waxaa kooxda Rajo Band ee naadiga dhaqanka SYL2 ay ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysay faa’idada waxbarashada iyo wadaniyadda maadaama usbuucaan uu yahay usbuucii xoriyadda oo xafladdan ay ku soo begantay. Kooxda Rajo waxay kaloo soo bandhigeen ciyaaro hido iyo dhaqan. Ugu danbeyn ayaa xafladda mudane Aweys Sheekh Xaadaad maamulka iyo macalimiinta ay gudoonsiiyeen shahaadooyin dhalinyaradii qalinjabisay. Sidoo kale ayaa waxaa hadiyado la gudoonsiiyay ardaydii kaalimaha koowaad gashay si loo dhiirigeliyo. Ururka Dhalinyarada SYL II ayaa si weyn uga qeyb qaata horumarinta dhalinyarada, wacyi gelinta iyo xirfado shaqooyin loogu abuuray, waxaana dhalinyaro badan oo xirfad la’aan ah ay noqdeen kuwo ka faa’ida xirfadihii la baray, iyagoo haatan ku shaqeysta.

arday badan oo soo mali ah ayaa sanadkan kaqalin jabisay jamacada ku taal dalka yemen oo lagu magacabo ahgaff